Somaliland oo go’aan kasoo saartay isticmaalka Social Media mudada lagu jiro doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in la hakin doono isticmaalka Social Media 13 ka Bishan wixii ka dambeeya.

Guddida doorashooyinka maamulka ayaa waxay sheegeen in baraha bulshada ku wada xiriirto ee internet-ka laga xiri doono guud ahaanba deegaanada maamulka Somaliland laga bilaabo lixda fiidnimo ee 13 bisha November oo ah maalinta loo dareerayo doorashada Somaliland.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka maamulka Somaliland, Saciid Cali Muuse, ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka dhalankarto isticmaalka baraha bulshada.

Waxa uu sheegay in Interneed-ka uu hawada ka maqnaan doono muddo afar illaa lix cisho oo xiriir ah, inta laga soo saaro natiijada doorashada.

Saciid Cali Muuse, waxa uu intaa ku daray in shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka ay ka dalbadeen inay mudadaasi hakad geliyaan isticmaalka baraha bulshada oo keliya, adeega kale ee Internet-kuna uu sidiisii hore u sii shaqeeyo.

Waxyaabaha la isku raacay ee la xiri doono ayaa waxaa ka mid ah :

Facebook, Twitter, Snapchatka, flickr, instgram, whatsappka, Viberka, Linkedin, Tango, Google iyo Lemone.

Go’aankan lagu hakinaayo isticmaalka baraha bulshada ayaa waxa ay saameyn ba’an ku yeelan doontaa dhammaan dadka sida aadka ah u isticmaala Interneed-ka.

Sidoo kale, dadka isticmaala baraha ayaa durba qeyla dhaan ka keenay go’aankan waxaana is weydiin mudan, sida uu xaalku noqon doono.

Dhinaca kale, waa markii ugu horraysay ee Somaliland hawada laga saari doono baraha bulshada tan iyo intii la bilaabay isticmaalka baraha Bulashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com