5 arrin oo aad u baahan tahay in aad doorashada Somaliland ka ogaato

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland waa meel nabad ay ka jirto, waxayna qabaneysaa doorashada xilka madaxweynaha, maalinta Isniinta.

Hadaba shan arrimood oo ku saabsan Somaliland halkan ka aqriso.

Ka hortagga isdaba marinta

Somaliland waxay noqoneysaa meesha ugu horeysay caalamka ee doorashadeeda lagu qabto qalab electronic ah oo wejiga iyo indhaha aqoonsanaya oo lagu magacaabo iris, sida uu sheegay afhayeenka guddiga doorashada, Saciid Cali Muse.

Waxay gacan ka geysaneysaa in lala dagaallamo wax isdaba marinta, iyo in Somaliland ay xaqiijiso in ay qabato doorashadii ugu daahfurnayd qaaradda Afrika.

Qiyaastii 704,000 oo codbixiye ayaa u diiwaan gashan Somaliland.

Xiriirka Finland

Labo ka mid ah seddaxda musharrax ee tartamaya, oo kala ah Cabdiraxman Maxamed Cirro iyo Faysal Cali Waraabe waxay haystaan dhalashada dalka Finland.

Waxay dalkaasi degeen ka dib markuu bilowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, kaas oo sababay in Somaliland ay ku dhawaaqdo in ay Soomaaliya ka “xurowday”.

Musharraxa seddaxaad, Musee Biixi Cabdi wuxuu ahaan jiray sarkaal military oo ku soo tababartay Ruushka iyo Mareykanka.

Seddaxdaba waxay u loolamayaan in ay bedelaan madaxweynaha xilka ka sii degaya, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).

Wuxuu xilka bannaynayaa ka dib markii uu dhammeystay hal xilli oo dhowr goor la kordhiyay. Waxay ahayd in doorasho la qabto, 2015-kii, balse baarlamaanka Somaliland ayaa laba sano oo dheeraad ah ugu daray ka dib abaar daba dheeraatay.

Doodda Dalai Lama

Dhammaan shacabka Somaliland waa Muslimiin, balse Dalai Lama iyo diinta Buddhism-ka ayaa soo baxay xilligii uu socday ololaha doorashada.

Faysal Cali Waraabe oo xisbiga UCID hoggaaminaya ayaa sheegay “in taageerayaasha xisbiga Waddani iyo midabkooda Huruudka u eg in uu shabahayo dharka ay xirtaan wadaadaha Buddhaha iyo in hoggaamiyahooda [Cabdiraxman Cirro] uu u egyahay Dalia Lama”.

Hadalkaa wuxuu kala kulmay weerar xoog badan oo dhanka baraha bulshada ah, ayadoo dadka qaar ay ku eedeeyeen in uu jeediyay hadal “gaalaysiin ah”.

Taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa si xanaaq leh uga jawaabay, waxayna isu soo bexeen ayagoo xayeysiinaya midabkooda liinta u eg, qaarna jirka ayey midab huruud ah marsadeen.

Dood toos loo baahiyay

Markii ugu horeysay, musharrixiinta ayaa ka qeybgalay doodo toos loo baahiyay ooay kala qabteen koox dhallinyaro ah, iyo BBC Somali.

Dad badan ayayna soo jiidatay doodad BBC Somali, kuwaas oo baraha bulshada uga doodayay waxa ay ka hadleen musharrixiinta.

Mid ka mid ah arrimaha sida wayn ay uga doodeen musharrixiinta waa heshiiskii lala saxiixday Imaaraatka Carabta ee “saldhigga military ay uga dhisaneyso Berbera”.

Faysal Cali Waraabe iyo Muse Biixi Cabdi way taageersan yihiin heshiiska, waxayna sheegayaan in “aqoonsi caalami ah ay ku helayaan”.

Laakiin Cabdiraxman Cirro ayaa ka soo horjeestay, wuxuuna ku doodayaa in heshiiska uusan ahayn mid loo maray waddo sax ah.

Wuxuu ragga ay is hayaan ku eedeeyay “in ay laaluush ka qaateen Imaaraatka”, eedaas oo labaduba si adag ay u beeniyeen.

Maalgelin caalamiga ah, haddii aan la aqoonsan xitaa

Kor joogto caalami ah oo ka kala socota illaa 20 dal ayaa indha indheynaya doorashada, inkastoo Somaliland aysan haysan aqoonsi caalami ah.

Howlgalka kor joogtada waxaa hoggaaminaya Michael Walls oo ka socda jaamacad ku taalla London, waxaana maalgelineysa dowladda Britain.

Dalalka kale waxay bixiyeen maalgashi lagu qiyaasay illaa $20m oo dollar oo lagu bixinayo doorashada, waxaana bixiyay dalal ay ka mid yihiin, Mareykanka, Denmark, Norway iyo Midowga Yurub. Ma jiro dal Afrikaan ah oo toos ugu lug leh.

Isha: BBC