Warqado sir ah: Israel iyo Sacuudiga oo hal arrin isku baheysanaya

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa ku amartay dhammaan safaaradaha ay dunida ku leedahay in dalalka ay martida u yihiin taageeraan Sacuudiga iyo qorshaha ay xasilooni darro uga abuurayaan dalka Lebanon, sida ku cad waraaqo sir ah oo la helay.

Warqadahan ayaa xaqiijin ramsi u ah warar xan ah oo sheegayey in Sacuudiga iyo Israel ay ka wada shaqeynayaan in xiisad laga abuuro gobolka.

Warqadahan oo ay dirtay wasaaradda arrimaha dibedda Israel, uuna helay taleefishinka Channel 10 ee Israel ayaa diblomaasiyiinta Israel ka dalbanaya in ay muujiyaan in Iran iyo Xizbullah ay dhibaato ka abuurayaan gobolka.

Siyaasadda isarel ayaa u muuqata mid shabahda wararkii Sacuudiga ay baahinayeen dhowaanahan ee ka dhanka ahaa Lebanon.

Kadib markii, isaga oo jooga dalka Sacuudiga uu is-casilay ra’iisul wasaarihii Lebanon Saad al-Hiriir, waxay Sacuudiga eedeeyeen Iran iyo Xisbullah.

Diblomaasiyiin ayaa sheegay in faro-gelinta cusub ee Israel ay ku sameyneyso arrimaha carabta ay u muuqdaan kuwa naadir ah.

Yossi Alpher oo lataliye u ahaan jiray ra’iisul wasaarihii hore ee Isarel Ehud Barak ayaa sheegay in sirta la helay ay tahay mid yaab leh.

“Sacuudiga ma waxay hadda u baahdeen in Israel ay wararkooda ugu baahiso dunida” ayuu u sheegay taleefishinka Aljazeera.

Si kastaba, diblomaasiyiin kale ayaa rumeysan in ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu tani u arko fursad uu kaga faa’iideysto xiisadda ka dhex oogan dalalka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com