Dokumenti sir ah oo shaaca ka qaaday qorshe halis ah oo Imaaraadku diyaariyeen

Dubai (Caasimada Online) – Dokumenti sir ah oo la helay ayaa shaaca ka qaaday qorshe halis ah oo Imaaraadka ay diyaariyeen oo ka dhan ah habka maaliyadda dalka Qatar, oo xiisad xooggan ay kala dhaxeyso.

Dokumentiyadan ayaa waxaa laga helay email-ka safiirka Imaaraadka Carabta ee Mareykanka Yousef al-Otaiba.

Website-ka sirta baara ee Mareykanka laga leeyahay ee the Intercept ayaa helay warqadahan, waxaana ku cad qorshe la diyaariyey oo lagu wiiqayo lacagta dalka Qadar.

Waxaa sidoo kale qorshaha Imaaraadka ka mid ah in dalka Qadar deyn badan uu galo, kadib marka la qiimo tiro lacagta dalkaas iyo hantida dibadaha ka yaalla.

Qorshahan ayaa waxaa loo xil saaray shirkadda Banque Havilland ee dalka Luxemburg oo uu leeyahay maal-galiyaha British ee David Rowland, kaasi oo diyaariyey barnaamijkan lagu wiiqayo Qatar.

Hadafka fog ayaa ah in la burburyo dhaqaalaah Qatar, la yareeyo qiimaha lacagta dalkaas, la kordhiyo daymaha lagu leeyahay, kadibna la abuuro xasarad lacageed oo baabi’isa keydka dalkaas.

Arrintan ayaa kadib la doonayaa in lagu qasbo dalka Qatar in marti-gelinta koobka adduunka ee 2022  lala qeybsado, ayada oo FIFA loo muujinayo in dhaqaalaha dalkaas uusan saamaxayn inay diyaariyaan dhammaan garoomada loo baahan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com