Xog cusub oo kasoo baxday mooshinka adag ee laga diyaariyay Shariif Xasan

Beydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin Seddex asbuuc kabadan qaatay oo laga diyaariyay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mooshinka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa saxiixay tirro kabadan Boqol Xildhibaan oo dhammaantooda ka mideysan riditaanka Hogaamiye Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo musuq-maasuqa oo sida sharciga uga dhaqan galay xarumaha maamulka.

Seddex shir oo saacadihii ugu danbeeyay magaalada Baydhabo ku dhexmaray Xildhibaanada Mooshinka wada iyo Xubno uu wakiishay Hogaamiyaha maamulka ayaa kusoo dhamaaday fashil, kadib markii leysku fahmi waayay wadada loo maraayo xal u helida Mooshinka.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka ayaa Seddexda shir ee fashilmay ku adkeystay inay dhaqan galinayaan Mooshinka, waxa ayna ku qeyla dhaaminayeen in Shariif Xasan uu mari doono, halkii uu maray Hogaamiyihii hore ee maamulka HirShabelle Cosoble.

Warar kaa kaduwan ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu isna wado kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanayo Siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koofur galbeed, waxa uuna qorshuhu yahay in xal loo raadiyo Mooshinka ka hor inta aan loo fadhiisan.

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo kamid ah xildhibaanada kulanka yeesha ayaa wuxuu sheegay in ay ka tashan doonaan sidii Mooshinka loogu gudbin lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna iska fogeeyay in ay wadaan fara gelin.

Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysay 8-dii bishan ka hadlay Mooshinka ay ka wadaan Xildhibaanada waxa uuna sheegay cidii rabta hogaanka Maamulka iney qabato in looga baahan yahay iney sugato waqtiga doorashada balse hada aysan wanaagsaneyn in mooshin iyo shirar Maamulka lagu duminayo la abaabulo.

Caasimada Online
Xafiiska Beydhabo
Caasimada@live.com