Arag sawirrada: Dhallinyaro maanta Muqdisho ka billaabay barnaamij cajiib ah

Benaadir Blood Service  iyo Maamulka gobolka Benaadir ayaa Maanta daahfuray qorsho lagu abuurayo adeega Dhiigga ee Gobolka si bukaanada lagu daawenayo isbitaalka loogu helo xilli walba dhiig.

Howlaha adeega Dhiigga ee Gobolka banaadir ayaa ujeedku yahay sidii loo heli lahaa adeeg Dhiig bixinta hadii ay timaado baaahi, waxaa howlahaa wada dhalinyaro ka baratay culuumta caafimadka jaamacaddaha dalka ayagoo gaashanaya maamulka Gobolka Banaadir.

Dhalinyarada bilaabay howlgalka dadka lagu ogaanayo nooca uu yahay dhiigooda ayaa ka bilawday Magaalada Muqdisho,  waxaana sahlanaanaysa qofkasta in la ogaado dhiigiisa markii ay timaado baahi waxaana loogu diiwaan gelinayaaa lambaradooda si markaasi loola xiriiro.

Gudoomiyaha adeega dhiiga ee Banaadir Ahmed Abdulkadir Mohamed ayaa sheegay waqtiga la aas aasay ururka Banaadir Blood Service horaantii sanadkan.

Sidoo kale wuxuu sheegay  in uu yeelan doona Gobolka Benaadir xarun degma walba isbitaal walba keyd adeeg dhiig ah.

Agaasimaha caafimada ee Gobolka Banaadr Dr. Abdullahi Hassan Mohamed ayaa daahfuray howlaha adeega dhiiga ee banadir Blood Service,  wuxuu sheegay in uu Bankigii dhiiga uu Meesha  ka baxday waqtigii dowladii dhexe la waaayay,  kadib waxaa la sameeyay isku dayo badan in dib loo soo nooleya bankiga dhiiga wayna suurta geli weyday, wuxuu aad usoo dhaweeyay dhalinyarada baratay culuumta caafimadka oo ay sameeyeen adeega dhiiga ee Gobolka Benaadir wuxuuna sheegay in uu garab buuxda siin doonaan mamulka gobolka benadir.