Sawirro: Jubbaland oo soo bandhigtay Askarigii rasaasta iyo kufsiga isugu daray Faa’izo

Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay Askarigii dhawaan rasaasta iyo faraxumeynta isugu daray Gabar 16 Jir ah oo kamid aheyd gabdhaha magaalada Boosaaso.

Askarigan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Sirdoonka Jubbaland, kuwaa oo danbiyada ku helay Askariga.

Askarigan oo lagu magacaabo Cabduqaadir Warsame ayaa ka tirsan ciidamada Badda Puntland, waxa uuna qirtay inuu ku kacay falka kufsiga ah.

Gabadha lagula kacay falkan oo lagu magacaabo Faa’izo, ayaa la sheegay in iminka ay tahay mid la liidata xanuunkii kasoo gaaray faraxumeynta.

Maamulka Jubbaland ayaa askarigan ku wareejinaaya maamulka Puntland, waxa uuna Hogaamiyaha maamulka dhawaan iclaamiyay in la horgeyn doono cadaalada.