Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland ayaa diyaariyay mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka C/wali Gaas.
Mooshinkaani ayaa la sheegay inay gudbiyeen Xildhibaano dhan 59 Xildhibaan, waxaana la sheegay in Mooshinka uu yahay mid looga soo horjeedo warqad uu qoray Hogaamiyaha maamulka C/wali Gaas.
Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedan qorshaha kordhinta golaha wakiilada inuu yahay qorshe uu wato Madaxweyne Gaas.
Waxa uu sheegay in Mooshinkooda uu yahay mid ku saleysan warqad uu Gaas u gudbiyay Guddoonka baarlamaanka si tirro kordhin loogu sameeyo Xildhibaanada.
Waxa uu intaa raaciyay in Mooshinkooda ay u gudbiyeen Guddoonka baarlamaanka isla markaana qorshaha C/wali Gaas uu yahay mid uu waji uga raadsanayo beelaha Puntland qaarkood.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ujeedka warqadaan loogu gudbiyey Guddoonka baarlamaanka uu yahay in lasii wado Barnaamijka Asxaabta isla markaana aan marnaba lagu laaban nidaamka qabyaaladeed.
Docda kale, Guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay ka jawaaban Mooshinka loo gacan galiyay ee looga soo horjeedo warqada tirro kordhinta Xildhibaanada baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]