Muxuu yahay ujeedka socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Qardha

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira booqashooyinkiisa deegaanada maamulka Puntland.

Madaxweynaha oo maalintii Seddexaad ku sugan magaalada Garoowe, ayaa lagu wadaa in manta uu booqdo magaalada Qordho oo ka tirsan Puntland.

Madaxweynaha ayaa halkaa ku qaabili doona Salaadiinta ugu sarsareysa deegaanada maamulka oo badankood halkaa ku ah deegaan, waxa uuna sidoo kale la kulmi doonaa mas’uuliyiinta iyo Odayaasha magaalada.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka Qardho ayaa ah in Madaxweynaha uu Salaadiinta kala hadlo xalinta dhammaan colaadaha deegaanka iyo ka shaqeynta xal u helida iyo wada noolaanshiyaha maamulada deriska la ah Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in safarka Madaxweynaha uu yahay mid dhulka ah, oo qaadanaya laba saacadood, waxaana wafdiga Madaxweynaha qeyb ka ah Madaxda sare ee Puntland iyo qaar ka tirsan xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa magaalada Qardha ku nagaan doona muddo Saacado ah, waxa uuna manta halkaa kula qadeyn doonaa Salaadiinta iyo Madaxda maamulka.

Waddooyinka loo maro magaalada Qardho ayaa waxaa saaka la tubay ciidamo farabadan oo aad u gaashaaman, halka sidoo kale lagu xardhay Calanka buluuga ah ee Soomaaliya iyo kan maamulka Puntland.

Safarka Farmaajo iyo Wafdigiisa ee magaalada Qardho ayaa noqonaaya mid taariikhi ah, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha uu dib ugu soo laaban doono magaalada Garoowe.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa gudaha asbuucaani ku laaban doona magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale la qorsheynayaa inuu isku diyaarin doono booqashooyin kale oo gudaha ah.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com