Maxaa kala soctaa waxa u sababta ah dhibaatada Ethiopia ka heysata dhanka amaanka (Ogaaw)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa wajaheyso kalsooni daro ciidanka ka heysata howlaha amniga, taa oo lii cineysa heerkii amni ee laga sugaayay ciidamada Ethiopia.

Aaminaad la’aanta ciidamada amniga federaalka ee gobolada ugu weyn Ethiopia ayaa loo aqoonsaday inay tahay dhibaatada  amniga ugu weyn ee uu wajahayo dalkaasi.

Qoraal uu baahiyay wargeyska The Addis Standard news portal ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay wajahayaan kalsooni darro aad u liidata.

Wargeyska oo xiganaaya ilo aan la shaacin ayaa sheegay in kulan Golaha Ammaanka oo la qabtay todobaadkii hore, lagu sheegay in iska caabinta xooggan oo ka timid qaybo ka mid ah gobollada Oromiya iyo Amhara ay ka dhigayaan mid adag shaqada ciidamada federaalka.

Hujuumka ay ciidamada kala kulmayaan Oromiya iyo Amhara, ayaa sii kala jabineysa isku xirnaanshiyaha ciidanka oo markii hore aheyd hal mideysan.

Nuqul kamid ah qoraalka wargeyska ayaa waxaa lagu yiri “Cabashooyinka waxaa soo gudbiyay xubno ka tirsan ciidamada difaaca qaranka iyo booliska federaalka oo ku saabsan iska-caabbinta xooggan ee qaybo ka mid ah dadweynaha, gaar ahaan gobollada Oromiya iyo Amhara,”

Dhinaca kale, Kulanka Golaha Ammaanka waxaa hogaaminaya Wasiirka Difaaca Siraj Fegessa waxaana ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Hailemariam Desalegn iyo taliyeyaasha kale ee amniga iyo saraakiisha sare ee dalka Itoobiya oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com