Farmaajo oo ballanqaaday in sanadkan ay hirgalin doonaan hal arrin oo ahmiyad u leh dalka (Maxay tahay)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay dooneyso mideynta guud ahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in ahmiyada ugu weyn dowladiisa ee sanadka 2018 ay tahay dib usoo nooleynta is dhexgalka Bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna qiray in dowladiisa ilaa xad ay xal u heshay bulshadii kala fogeyd.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu xaqiijiyay in dowladiisa ay sanadaani 2018 dhexda u xiran doonto isku geynta shacabka ku kala irdhoobay Colaadihii soo maray dalka, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu ka gaabin doonin mideynta Umadda.

‘’Wey naga go’an tahay inaanu sanadkaan xooga saarno hal arrin oo ah mideynta Umadda Soomaaliyeed, waxaanu dooneynaa in dhammaan Umadu ay u kala gooshi karto min  Degmo ilaa tuulo waliba oo dalka ah’’

‘’Waxaan dareemeynaa inay jiraan dad isku xirka iyo is jecleysiinta Bulshada u arka dhibaato hase yeeshee waxaan qireynaa inaanu ka waaban doonin ka dhabeynta Hadafkeena dowladnimo’’

Sidoo kale, Farmaajo ayaa Hogaamiyayaasha maamulada ka jira dalka ugu baaqay inay kaalin ka qaatan mideynta Umadda Soomaaliyeed, isla markaana isku furan dalka.

Haddalka Farmaajo ayaa imaanaya xili uu booqasho dhiiri galin ah ka wado deegaanada maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com