Sawirro: Maxay kawada hadleen Wasiirka Maaliyada XFS & dhigiisa dalka Qadar

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Doha ee xarunta dalka Qadar gaaray wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle.

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaaya Saraakiil ka tirsan Wasaarada gaar ahaan qeybaha la socodka dhaqaalaha, waxaana magaalada Doha kula kulamay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dalkaasi Cali Shariif Al-Emadi.

Wasiirka Maaliyada Somalia iyo dhigiisa Doha ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya dhanka dhaqaalaha iyo Horumarinta.

Wasiir Beyle ayaa dhigiisa Doha ka dalbaday in lagala shaqeeyo dhanka maaliyada, iyadoo la sameynaayo iskaashi dhanka maaliyada ah, si loo hormariyo dhaqaalaha Somalia.

Wasaaradda Maaliyadda ee dalkaasi Cali Shariif Al-Emadi, ayaa dhankiisa ka sheegay inay garabtaagan yihiin dowlada Somalia isla markaana ay ka caawinayaan dhanwaliba sida dhaqaalaha iyo Horumarka.

Wasiir Beyle waxa uu sidoo kale sheegay in dalka Qadar uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda Dalalka Islaamka oo magaaladda Doha lagu qabtay.