Thaabit oo ka xog waramay halka uu maraayo baadi-goobka loogu jiro maqaamka Caasimada

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay weli socdaan dadaalo lagu soo celinaayo maqaamka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Thaabit Cabdi, ayaa sheegay inay ka go’an tahay raadinta maqaamka Gobolka Banaadir, waxa uuna ka codsaday Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka in ay dadajiyaan dhismaha maqaamka siyaasadeed ee caasimada.

Thaabit waxa uu sheegay inaysan dayici doonin rajada ay shacabka caasimada ka leeyihiin helida maqaamkooda, waxa uuna arrin muhiim ah ku sheegay in Gobolka uu gaaro maqaamkiisa.

Thaabit Cabdi, waxa uu sheegay shacabka Muqdisho oo ka badan 3 Milyan in weli ay DFS, gaar ahaan baarlamaanka ay ka sugayaan in Muqdisho ay hesho xaqii ay laheyd, taasi oo ay ku leedahay nidaamka Federaalka.

‘’Dowladu wey la soctaa in Gobolka Banaadir uu ka maqan yahay xaq gaara, waxaan juhdi galin doonaa sida lagu heli lahaa maqaamka Gobolka oo soo celintiisa aan u arko mid muhiim ah’’

Waxa uu sidoo kale, Thaabit sheegay in baarlamaanka uu horyaallo maqaamka ay leedahay magaalada Muqdisho, maadaama dastuurka dalka uu dhigayo in labada Gole ee Dowladda ay sharci ka soo saarayaan maqaamka caasimadda.

Guddoomiye Thaabit , ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu soo xerayay Kalfadhiga Labaad ee Golaha baarlamaanka Aqalka Sare oo xalay ka dhacday Muqdisho, waxa uuna ku baaqay inaan la yareysan qeyla dhaanka shacabka muqdisho.

Ugu danbeyntii, Thaabit ayaa baarlamaanka Somalia ugu baaqay inay hir galiyaan baahida Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, maadaama uu dastuurku yahay mid qaba maqaamka caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com