Gaas oo cadeeyay waxa uu ka aaminsan yahay duulaanka Somaliland ee Tukaraq

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa mar kale si faahfaahsan uga hadlay dagaal ay ciidamada maamulka Somaliland kusoo qaaden deegaanka Tukaraq.

C/weli Gaas, ayaa sheegay in dagaalka Somaliland ay ku qabsadeen Tukaraq uu yahay mid lagu sii hurinaayo colaado ka dhex dhasha labada dhinac waxa uuna tilmaamay inaanu dani ku jirin dagaal xiligaan la huriyo.

Waxa uu Gaas tilmaamay in ciidamada dagaalka soo qaaday 8-dii bishan laga soo abaabulay magaalada Hargeysa, waxa uuna cadeeyay inay adkaan doonto inay isha ka fiirsadaan tacadiyada ay ciidamada Somaliland kawadaan Tukaraq.

Gaas, waxa uu intaa ku daray in ciidamada laga soo abaabulay magaalada Hargeysa uu u jeedkooda ahaa qalqal galin socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyada balse ay ku rajo weyn yihiin in Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, ay si rasmi ah ugu soo laaban doonto gacanta Puntland.

‘’Duulaanka Tukaraq waxaan ka aaminsanahay gardaro iyo daandaansi qaawan oo Somaliland ay ku heyso Puntland, jawaab ayaana ka bixin doonaa’’

Wuxuu sheegay Gaas in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale C/weli Gaas ayaa sheegay duulaanka Somaliland inuu garab iyo gaashaan u yahay Argagixisada, isaga oo sheegay in Puntland ay culeyska saartay hormarka iyo dib u dhiska dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay difaacdan dhulkooda, isla markaana ay ka dulqaadan waxa uu ugu yeeray maleeshiyaadka Hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com