Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax gaari uu ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen laba ruux, oo mid kamid ah uu wade ahaa, halka ruuxa kale uu wehlinaayay ruuxa wadaha ka ahaa Gaariga.

Qaraxa oo jugtiisa inta badan laga wada maqlay ayaa waxaa ku dhaawacmay labada ruux ee wada saarnaa Gaariga waxaana la xaqiijiyay in dhaawac culus uu soo gaaray Wadaha Gaariga oo la sheegay in dhankiisa lagu xiray Qaraxa.

Wadaha Gaariga ee uu dhaawaca culus soo gaaray ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Catoosh, kaa oo watay Gaari nooca yaryar ee raaxada ah oo ku burburay Qaraxa.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo farabadan oo ka kala tirsan Hay’adaha Booliska iyo Nabadsugida, kuwaa oo baaraya Qaraxa iyo halka loogu soo xiray Gaariga.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho kusii kordhaaya Qaraxyada lagu xiro gaadiidka raaxada iyo miinooyinka lagu aaso hareeraha Waddooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com