28.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii ay Habargidir ka yeelatay arrinta ra’isul wasaaraha?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Xildhibaanada kasoo jeedo Beesha Habargidir iyo odayaashii ay ku lahaayeen 135 duub ee soo xulay Xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid loo diiday saxaafadda isla markaasna looga hadlayey sida ay beesha Habargidir diyaar ugu tahay inay noqoto Ra’isulwasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulanka ayuu ujeedkiisa ahaa sidii aysan jagadaan u dhaafi laheyn bishaan isla markaasna ay beesha isugu raaci laheyd hal shaqsi oo ay u sharaxaan xilkaas loona gudbiyo madaxweyne Farmaajo.

Odayaasha iyo Xildhibaanada ayaa isku fahmi waayey inay hal shaqsi oo matala beesha usoo xulaan xilkaan maadaama ay jiraan ku dhawaad 10 shaqsi oo beeshaan ah kuwaas oo isku soo taagay xilkaan.

balse Odayaashan iyo Xildhibaanada ayaa isku raacay in laga shaqeeyo inuusan xilkaan dhinacna u dhaafin beesha si wadajir ahna loo shaqeeyo.

Magacyada beeshaan kasoo jeedo ee isku soo taagay xilkaan waxaa kamid ah: Dr. Cabdinaasir, Axmed Macalin Fiqi,  Dr. Culusow, Yuusuf Garaad, Cabdiraxmaan Cabdishakuiir, Axmed Cabdisalaan Xaji Aadan iyo Qaar kale.

Haddaba waa la arki doonaa cidda noqoto Ra’isulwasaaraha cusub waxaana socdo ololo badan oo ay wadaan beelaha kala duwan ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News