Maxaa kasoo baxay kulankii Deni, Axmed Madoobe iyo wakiilada beesha caalamka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, kadib markii ay shalay dowladda federaalka shaacisay inuu fashilmay shirkii Afisyooni.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Beesha caalamka u sheegay inaysan ogeyn shir fashilmay, sida ay sheegtay dowladda waqtigeedu uu dhamaaday, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay sii socdaan wada-hadaladaas oo xal looga gaarayo khilaafka doorashada.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale meesha ka saaray shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay ku xireen heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, waxayna madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ku eedeyeen in uusan rabin doorasho.

Intii uu socday shirkaan ayaa waxay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland u sheegen wakiilada beesha caalamka in Farmaajo uu rabo inuu dalka geliyo qalaalase hor leh.

Xogta aan helayno ayaa intaas kusii dareysa in Wakiilada Beesha caalamka ee C6+ ay sheegen inay kulamo la soo qaadan doonaan madaxda dowladda, si ay u sameeyaan fikrado aruurin ku aadan kala duwanaashaha argtida labada dhinac.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxay kulamada labada dhinac warbixin uga gudbin doonaan dalalkooda, waxaana la filayaa in illaa caawa war cusub kasoo yeeraan.

Beesha Caalamka ayaa aad uga wal-walsan natiijo la’aanta shirkii Afisyooni, oo ay in muddo ah kasoo shaqeynaysay, kaasi oo dowladda federaalka ay shalay shaacisay inay fashiliyeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, inkasta oo ay madaxdaas beeniyeen eedeyntaas.

Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sidoo kale xalay uga digay madaxda HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay ka tagaan magaalada Muqdisho kadib markii ay shir gaar ah kula yeesheen xarunta QM ee Xalane.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay inaysan ka tegi karin Muqdisho, islamarkaana garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade.