Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan, Shariif iyo guddoonka baarlamanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii gaarka ahaa ee dhex maray guddoonka golaha shacabka baarlamanka Somalia iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa looga hadlay arrimo xasaasi ah, xaalada siyaasadeed ee murugsan iyo marxalada kala guurka ee dalku xiligaan ku sugan yahay.

Kulankaan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa dhinaca guddoonka baarlamaanka hoggaaminayay Maxamed Mursan Sheekh Cabdiraxmaan, ayna wehlinayeen ku-xigeenadiisa C/weli Muudeey halka madasha xisbiyada kulanka ku madalayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

War kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa dalab ka yimid guddoonka baarlamaanka, waxaana warbixin ku saabsan xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka looga dhageystay guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa.

Sida ay sheegtay Madasha, waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa kamid ahaa baahida loo qabo inay waqtigooda ku dhacaan doorashooyinka, ayna noqdaan doorashooyin laga wada tashaday loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo dammaanad lagu xaqiijinayo arrintaas, in wada hadallada la sii wado si’ is faham buuxa looga gaaro arrimaha doorashooyinka, sidaasoo kale waxaa laga hadlay dhinacyada muhiimka u ah doorashooyinka in dadaal xooggan le geliyo sidii loogu qancin lahaa oo loogu waajihi lahaa doorashooyinka aragti mideysan oo dhalin karta kalsooni, sharciyad iyo taageerada shacabka.

“Si gaar ah waxaan uga doodeng kulanka baahida loo qabo in doorashooyinka waqtigooda ay ku dhacaan, ayna noqdaan kuwa laga wada tashaday oo loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar, loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro maanta, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo damaanad lagu xaqiijinayo dhammaan qabsoomidda howlahaas baaxadda leh oo ay noo muuqato in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in la hakiyay nidaamkii doorashada ee guddoomiye Xaliimo Yareey usoo bandhigtay baarlamaanka, kasoo qeexayay hababka ugu fudud ee doorasho ku qabsoomi karto.

Sidoo kale, waxay labada dhinac garwaaqsadeen in si buuxda looga wada shaqeeyo arrimaha doorashooyinka lana geliyo dadaal xoogan oo lagu qancin karo cid kasta in doorasho lagu mideysan yahay inay dalka ugu dhacdo si nabadgelyo iyo xasilooni ay ku jirto, lana sii wado kulamada dhinacyada muhiim u ah arrimahaan taagan.

Ugu danbeyntii madaxda xisbiyada qaran ayaa ku adkeeyay guddoonka baarlamaanka in aan qarsoodi laga dhigin habka doorashooyinka loo marayo, ayna noqdaan dariiq sax ah iyadoo loo marayo dastuurka KMG ee dalka u yaal xiligaan.

Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in kulankaan ay codsadeen guddoonka baarlamaanka inuu ka mid madaxweyne Farmaajo oo guddoomiye Mursal iyo Muudeey ka dalbaday inay la kulmaan Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo maalmahaan noqday culeyska siyaasadeed ee Farmaajo saaran.