Somaliland oo shaacisay xog yaab leh oo la xiriirta heshiiska cusub ee Taiwan

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiriirka diblumaasiyadeed ee la yeelatay Taiwan, midkaasi oo horseeday in labada dhinac ay wakiilo isku magacaaban.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa si cad u sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen Taiwan uu ahaa mid ‘qarsoodi ah’, isla markaana uu soo socday muddo.

Wasiir Faratoon ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Taiwan ay hore iskugu af-garteen qarinta xiriirkooda cusub iyo heshiiskaasi, kaasi oo markii dambe dhawaan dibada u soo baxay.

Heshiiska cusub ee Taiwan iyo Somaliland ay kala saxiixdeen ayaa ku saleysan mid ganacsi iyo siyaasadeed, walow uusan si cad uga warbixin wasiirku.

Somaliland iyo Taiwan oo ah labo maamul oo ku dooda inay yihiin dal madax-banaan ayaa waxa kala sheegta dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha, oo iyagu caalamku u aqoonsan-yahay inay hoostagaan.

Xiriirkaasi cusub ayaa abuuray xiisad cusub, xili uu si adag uga horyimid Shiinuhu, isla markaana uu ganafka ku dhuftay madax-banaanida Taiwan oo Somaliland u aragto fursad u horseedi karta aqoonsi.

Heshiiska labada dhinac ay dhawaan kala saxiixdeen ayaa la rumeysan-yahay inuusan wax badan soo kordhin doonin, maadama Somaliland iyo Taiwan aysan weli beesha caalamka ka helin aqoonsi.