Wadaad caan ah oo Muuse Biixi u sheegay in shacabka lagu boobayo magaciisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Culimada Somaliland ayaa soo farageliyay dhibaato mudooyinkii u danbeeyay ka taagneyd magaalada Hargeysa, taasoo la xiriirta in xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Somaliland iyo qoyskiisa ay si sharci daro ah u boobay dhulka laga kiciyay dad shacab.

Cabashada la xiriirta dhulalka laga kiciyay dadka shacabka oo milkiyadooda ah ayaa loo adeegsaday awood dowladeed sida uu ka dhawaajiyay Sheekha caanka ah ee Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud “Sheekh Aadan Siiro”, isagoona ugu baaqay Muuse Biixi in uu wax ka qabto dhibaatadaasi ay geysanayaan kuwo magaciisa isticmaalaya.

“Madaxweyne, dhulkii dhibaato badan baa ka taagan iyadoo magacaaga la isticmaalayo ayaa la boobay, 300 qoys ee maatida ah ee labaatanka sanadood deganaa xaafada Buurta Kala jeexan , Madaxweyne adigana waa kugu ceeb, dalkana waa ku ceeb, dadkana waa ku ceeb, arrintaa inaad wax ka qabato ayaanu kugula talinaynaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Siiro.

Wadaadka ayaa soo qaatay xadiiska uu weriyey Al-Imaamu Axmed ee qeexaya xumaanta oo laga aamuso in ummadaasi ay tahay ummad aakhiro iyo adduunba ay u dhamaatay, Qofka xumaan arkaana gacantiisa wax ha ugu qabto. “Haddaad aragto Dulmi dhacaya oo Ummaddii oo ka hadlaysaa aanay jirin, ummaddaasi way u dhamaatay”

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland waxyaabaha loo igmaday ee masuuliyadda ay hayaan inay ka mid tahay in qof walba oo Somaliland ah ee illaahey ku abuuray Somaliland inuu helo meel uu dego, wuxuuna ku leeyahay buu yiri dowladda.

Maalmihii u danbeeyay ayaa soo kordhayay muranada dhuleed ee ka taagan Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo koox lagu magacabo Heego oo ka tirsan xafiiska Muuse Biixi ay dadka shacabka ah kala wareegayeen dhulalkooda, iyadoo la adeegsanayo awooda maamulka.