Odawaa oo jawaab kulul ka bixiyey SHACABKII lagu rasaaseeyey MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa cambaareeyay tallaabadii ciidamo ka tirsan DF ay si sharci daro ah rasaas ugu adeegsadeen inay ku kala eryaan banaanbaxayaal kasoo horjeeday dowladda federaalka, kaasoo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Xildhibaan C/raxmaan Odawara ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda ay u adeegsato rasaas dad shacab ah oo si nabadgelyo ah ku bannaanbaxay, halka dadweynaha madaxweyne Farmaajo u bannaanbaxa lagu waardiyeeyo tikniko, halka kuwa kasoo horjeeda loo adeegsado rasaas.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu wuxuu ku yiri “ Suurogal maahan in dadweynaha madaxweyne Farmaajo u soo banaanbaxa in gaadiidka ciidanka lagu waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana lagu weeraro”.

Wuxuu ku baaqay xildhibaan Odawaa in si dag dag xoriyadooda loogu soo celiyo dadka sida sharci darada ahayd lagu xiray oo uu ka mid yahay Cusmaan Cariif, Gudoomiyihii hore ee dagmada Cabdicasiis, kaasi oo xalay lasii daayey kadib baaqa Odawaa.

Dibad-baxa maanta ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa billowga kacdoon baaxad weyn oo ka dhici kara Muqdisho haddii Farmaajo isku dayo inuu xilka korarsado, waxaana jirta cabsi xooggan oo arrintaas ku saabsan oo ay qabto Villa Somalia.

Ammaanka Villa Somalia ayaa aad loo adkeeyey, ayada oo laga feejigan yahay in haddii shacabka kacaan ay suurta-gal tahay inay soo galaan madaxtooyada.