Somaliland oo war kasoo saartay dagaal ka dhacay magaalada Buuhoodle

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa war kasoo saartay xiisad colaadeed oo dib uga soo cusboonatay deegaanka Horufadhi ee Buuhoodle.

Somaliland ayaa dagaalkaasi oo u dhaxeeyay beelo wada daga deegaankaasi, ku tilmaamtay mid cawaaqib-xumo iyo caqabad ku ah nabadeynta muddo laga dhex waday beelahaasi.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Guddoomiyaha gobolka Sool oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dagaalkaasi uu horseedi karo dhibaato hor leh, haddii aan si deg deg ah looga hortagin.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay xukuumada Somaliland ay diyaar u tahay xalinta colaadahaasi iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadeynta.

“Maamulka gobolka Sool & shacabkaoo isku duuban, waxay ka xun yihiin colaadda ka soo cusboonaatay degmada Horufadhi, waana mid keeni kara dhibaato horleh oo Bulshada isku geystaan” ayuu yiri Guddoomiye Jiidhe.

Wuxuuna intaas sii raaciyay ” Wuxuuna dhaawicii kara dagaalkaasi dadaaladii ay wadeen duubabka dhaqanka”.

Dagaalkaasi oo u dhaxeeyay beelaha Hagar iyo Hayaag ee Dhulbahante, ayaa sababay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Waxa dagaalkaasi ku dhaawacmay Afar ruux, halka ay ku dhinteen 3-ruux oo kale, sida ay ogaatay Caasimada Online.