Xog: QM iyo Midowga Yurub oo dalab culus hordhigay guddoomiye MURSAL

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa cadaadis ku haya labada madaxweyne ee maamullada Puntland iyo Jubbaland, sidoo kalana waxey dalab culus gaarsiiyeen gudoomyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu diiday ka qeybgalka shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada maanta uga furmi lahaa Muqdisho, inkastoo shirka baaqday hadana wali lama oga wakhtiga dib loo qorsheyn doono.

James Swan oo ah wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya iyo qaar ka mid ah safiirada beesha caalamka ayaa gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh ka doonaya inuu dib u dhigo dooda qoraalkii doorashada ay soo jeediyeen guddiga doorashooyinka madaxa banaan.

Ujeedada arrintaan ayaa ah inaan arrintaas laga doodin inta laga heshiinayo arrimmaha cakiran ee u dhaxeeya dowladda iyo maamul goboleedyada.

Mareykanka iyo Midowga Yurub waxey in muddo ah ku cadaadinayeen madaxweyne Farmaajo inuu qabto shir loo wada dhan yahay, sidoo kalana wuxuu aqoonsaday maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland balse waxaa wax walba sii kala fogeeyay matalaadda gobolka Banaadir ee dhawaan la ansixiyay.

Labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad uga soo horjeestay matalaadda gobolka Banaadir, waxeyna kusoo aaday xilli aan wali laga heshiin arrimaha doorashada.

Si kastaba, beesha Caalamka waxey xoogga saareysaa sidii ay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uga dhaadhicin laheyd inuu ka qeybgalo shirka kaas oo aan ku qanacsaneyn qorshaha madaxweyne Farmaajo isagoo u arka inuu doonayo muddo kororsi aan geed lagu soo gamban.

Beesha Caalamka waxey dooneysaa in shirka amniga qaranka qabsoomo si looga heshiiyo arrimo badan oo ay ugu weyn tahay doorashada.