Villa Somalia oo war kasoo saartay baaqashada shirkii madaxda DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taariikhdu waa 5-ta Luulyo, waana maalintii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulan ku casuumay Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, balse shirkaas ay gadaal ka riixeysay beesha caalamka wuu baaqday.

Baaqashada Shirka maanta furmi lahaa hadal heyntiisa waxaa ka hadlay madaxtooyada iyadoo agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed uu bartiisa bulshada soo dhigay qoraal kooban oo arintaas ku saabsan.

Madaxtooyada ayaan sheegin sababta baaqashada shirka amniga qaranka, balse qoraalka la faafiyay wuxuu muujinayaa kaliya in dib laga soo sheegi doono wakhtiga ku haboon qabsoomidiisa.

Labada hogaamiye ee maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa kasoo horjeestay kulanka, waana laba maamul oo aan la dhacsaneyn siyaasadda dowladda federaalka.

Labada Maamul waxey sidoo kale si cad uga soo horjeesteen arinta matalaadda gobolka Banaadir oo ay ansixiyeen Baarlamaanka, waana khilaaf bilow ah oo ka dhex curtay dowladda hoose iyo labadaas maamul.

Agaasimaha qoraalkiisa waxaa ka muuqata iney dowladdu wali adkeyneyso qabsoomidda shirka lagu kala aragtida duwan yahay, balse ay gadaal ka riixeyso qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.