Al-Qudus al-Carabiya oo shaaciyey arrin ay Israel iyo Imaaraadka qarinayeen

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa waxaa soo if-baxaya in xiriirka uu la leeyahay Israel uu ka ballaaran yahay sidii markii hore loo maleeyey, sida ay sheegeen warbixino cusub.

Imaaraadka ayaa coronavirus-ka cusub u isticmaalaya in uu heshiis kula galo Israa’iil taasi oo ah tii ugu dambeysay ee madax carbeed ay xiriir kula yeelanayaan Israa’iil, sida baahiyay wargeyska Al-Qudus al-Carabiya oo fadhigiisu yahay London.

Wargeyska ayaa Jimcihii waxaa uu daabacay in 42 shirkadood oo laga leeyahay Imaaraadka ay heshiis la galeen laba shirkadood oo laga leeyahay Israa’iil, si loo horumariyo xalka farsamo loona xakameyo safmareenka.

Imaaraadka ayaa markii hore shaaciyey kaliya in heshiiska ay ku jireen laba shirkad, waxaase hadda soo baxday.

Labada shirkadood ee Israa’iil laga leyahay waxay la shaqeeyaan wasaaradda dagaalka ee Dowladda si ay militaria u siiso qalab iyo gantaalo.

Bishii June 26-keedii, Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu mashaariic dhanka dawada ah ka fulinayo Israa’iil si loola dagaalamo coronavirus, waana isla maalintii ay warbaahinta Israa’iil wariyeen in xukuumadda Abu Dhabi ay siisay Tel Aviv 100,000 oo ah qalabka lagu tijaabiyo coronavirus.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in maalmaha soo socda ay Dowladiisu la kashan doonto Imaaraadka la dagaalanka coronavirus kasokoow in uu maqanyahay xiriir kii diblomaasiyadeed.

Imaaraadka Carabta xiriir diblomaasiyadeed lama lahan Israa’iil, laakiin sanadihii u dambeeyay waa ay isu soo dhowaanayeen labada Dowladood.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Israel Katz ayaa shir golaha wasiiradu ay ku yeesheen Qudus bishii August ee sanadkii hore in uu ka shaqaynayo in uu heshiis la gaaro islamarkana uu xiriir wanaagsan la sameysto dalalka gacanka carbeed ku yaalla.

Bishii December, wasiirka arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray maqaal ay daabacday majaladda The Spectator oo sheegaya xulifadda Carab iyo israa’iil ay qaabeynayaan Bariga Dhexe.

Durbadiiba waxaa maqaalka soo dhoweeyay Netanyahu oo yiri “waan soo dhoweynayaa xiriir isu soo dhawaanshaha Israa’iil iyo dalal badan oo carbeed.  Waxaa la joogaa waqtigii hagaajinta xiriirka iyo nabadda.”

Dhamaan dalalka carbeed, keliya Jordan iyo Masar ayaa xiriir toos ah la leh Israa’iil.

Dadaaladda xiriir hagaajinta ayaa waxaa ay imaanayaan iyadoo Israa’iil ay qorsheyneyso in ay goosato qaybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed, oo ay ka mid tahay dooxada Jordan – talaabadaas oo ah mid aad loogu muransan yahay islamarkaana ay diideen madaxda iyo dadka Falastiin.