Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya, ayaa waxa uu kulan gaar ah uu la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee horey u diiday xukuumadda Cumar Cabdirashiid, si looga gudbo caqabadaha ragaadiyay hawlihii Dowladda iyo Baarlamaanka.
Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Guddoonka Sare Baarlamaanka ee Villa Hargeisa, ayaa waxaa ka soo qaybgalay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna Gudoomiyaha uu u jeediyay in la soo gaba gabeeyay tallaabada lagu diidan yahay Golaha Wasiirada cusub.
Gudoomiyaha, ayaa ku waramaaya inay khasab tahay in laga wada shaqeeyo danta guud, lana badbaadiyo buu yiri dalka iyo dadka, iyadoo loo hogaansamaayo maslaxada caamka, sida uu yiri.
Waxa uu Xildhibaanada uu ugu yeeray in codka kalsoonida la siiyo Xukuumaddii xalay uu ku soo dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, bacdamaa la doonaayo in laga miro dhaliyay hadafka 2016-ka.
Xildhibaanadii ka qaybgalay kulankaasi, ayaa sheegay in go’aanka ku haboon xaaladda jirta ay ka qaadan doonaan xukuumadda cusub marka la horkeeno Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Maalinta Isniinta ah, ayaa waxaa la filayaa in Golaha Wasiirada la horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka, si codka kalsoonida ay ugu yaboohaan.
Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa khubad ka jeedin doono Xarunta Baarlamaanka Somaliya, iyadoo markaasi uu Xildhibaanadu weydiisan doono inay cod aqlabiyad leh ku meel mariyaan Golahiisa Wasiirada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

