Maxaa kasoo kordhay kiiska caruurti lagu dilay Baydhabo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey halka ay marayaan baaritaanada lagu hayo kiiska caruurtii dhowaan sida arxan darrada ahaa loogu dilay duleedka magaalada Baydhabo.

Wasiir Joon ayaa sheegay in dad horleh oo gaaraya illaa 6 qof loo soo xiray dhacdadaasi, kadib howl-gallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale dadka lasoo qabtay ayuu sheegay inay isugu jiraan afar rag ah iyo labo dumar ah, kuwaas oo uu tilmaamay in haatan ay ku socoto baaris dheeri ah.

Wasiirka cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in lagu raad-joogo dad kale oo la tuhmayo inay ku lug leeyhiin dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay labo caruur ahaa oo uu dhalay Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullahi, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray, Aamino Aweys iyo sidoo kale Cabdimuni Aweys.

Ugu dambeyn wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in si deg-deg loo soo gaba-gabeyn doono kiiskan, si maxkamad loo soo taago eedeysanayaasha lasoo qabtay.

Dhowaan ayey aheyd markii caruurtaasi oo u socday Dugsi Qur’aan la watay, kadibna lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.