Afar maamul goboleed iyo G/Banaadir oo soo saaray qoraal wadajir ah (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha Waxbarashada Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa shir ay isugu yimaadeen 15-kii bishan waxay uga tashadeen hanaankii loo qaadi lahaa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga Dhexe ee sand dugsiyeedka 2020-2021-ka.

“Wadatashi iyo gorfeyn dheer kadib. Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay isku raaceen in imtixaanka fasalka 8-aad la qaado 5-ta illaa 8-da bisha June 2021. Sidaas darteed wasaaraduhu waxay ku war-gelinayaan banda waxbarshada iyo maamuleyaasha dugsiyada in loo diyaar garoobo imtixaanka fasalka 8-aad,” ayaa lagu yiri qoraal ay si wadajir ah u soo saareen.

Qoraalka ay soo saareen ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay ku boorinayaan maamulka dugsiyada, ardayda iyo howl-wadeenada imtixaanka in ay raacaan talooyinka iyo habraaca ay bixinayaan hay’adaha caafimaadka ee la xiriira ka hortagga iyo xakameynta cudurka Covid-19.”

Ugu danbeyntii wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa guul iyo mustaqbal ifaya qoraalkaan ugu rajeeyey dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee u fariisan doonta imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 8-aad ee sand dugsiyeedka 2020-2021.