Madaxii AL-SHABAAB ee qaraxyada Sh/Dhexe oo howlgal lagu dilay maanta

Balcad (Caasimadda Online) Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey inta u dhaxeyso Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka oo qaatay dhowr saacadood ayaa waxaa lagu dilay madaxii Qaraxyada Gobolka Shabeellada Dhexe u qaabilsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa.

Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale gacanta u dhigay laba xubnood oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan shaacin magaca madaxii Qaraxyada Gobolka Shabeelada Dhexe u qaabilsanaa Kooxda Al-Shabaab  ee howlgalkaas lagu dilay iyo xubnaha kale ee howlgalka lagu qabtay.

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad XDS Gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shitaqeey, oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in weli ay socdaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay ku sugan Al-shabaab.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Dowladda Soomaaliya iyo khasaaraha kaso gaaray howlgalka ay Maanta fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey kusoo xoogeysaneysay jidka isku xiro Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaana aad u yaraday madaxdii Hirshabelle ee safarka dhulka ah isaga gooshi jiray Jowhar iyo Muqdisho.