Mareykanka oo soo celiyey saraakiil uu horey ugala baxay gudaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale gudaha Soomaaliya dib ugu soo celisay saraakiil tababarayaal ah oo ay horey ugala baxday gudaha Soomaaliya, kadib go’aankii madaxweynihii dalkaasi, Donald Trump.

Saraakiishan ayaa dib ugu laabtay xeradii ay ka howl-galayeen ee Balli-Doogle oo ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose ee ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiishani oo kulan la qaatay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan, isla-markaana ay sii wadi doonaan taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxa kale saraakiisha ka socota Mareykanka ay shaaciyeen inay dib u bilaabi doonaan tababarada ciidamada Danab oo hakad galay muddooyinkii lasoo dhaafay.

Dib u soo noqoshada saraakiishan ayaa wax badan ka bedaleysa ciidamada kumaandooska Danab oo heli doono qalab iyo tababaro dheeraad ah.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga sidoo kale ka qeyb-qaato dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.