ICG oo beesha caalamka u jeedisay tallaabo xal u ah xiisada doorashada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Qalalaasaha daba dheeraaday ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa wuxuu galay marxad halis ah, waxaa sidaas warbixin ay soo saartay ku sheegtay he’yadda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group oo sheegtay in khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ay isku badali karto gacan ka hadal.

Hey’adda oo ka hadashay muddo kordhinta loo sameeyey hey’adaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sababi karto dib u dhac ku yimaado horumarka Soomaaliya, waxayna hey’adda muujisay cabsideeda ku aadan in xubnaha mucaaradka ay iyagana sameeyaan geedi socod barbar socdo kan Dowladda Soomaaliya.

“Saaxiibbada dibedda ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (AU) oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, waa in ay u istaagaan abaabulidda iyo hoggaaminta wada-hadallo cusub oo dhexmara dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya si loo dejiyo khariidad loo maro doorashooyinka waqtigooda ku dhaca,” ayaa lagu yiri qoraalka

Hay’ada ayaa tiri “Dhammaan jilayaasha dibadda waa inay si aan shaki ku jirin u muujiyaan inay diyaar u yihiin in cunaqabateyn lagu soo rogo dhinacyada hor istaagaya hindisaha cusub ee lagu doonayo waddo la isku afgarto oo horay loo socdo,” ayaa lagu sii yiri warbixinta.

Crisis Group waxaa ay warbixinta kusoo jeedisay in loo baahanyahay dhex-dhexaadin saddexaad oo salka ku haysata oo lagu jabinayo caqabadda doorashada, iyada oo la tixgelinayo kalsooni darrada ka dhex jirta jilayaasha Soomaaliya.

“Xaqiiq ahaan, si kastaba ha noqotee, doorasho kasta waxay u baahan tahay in si ballaaran loogu saleeyo xeyndaabka heshiiskii Sebtember 17, iyadoo la ogyahay in doorashada aan tooska ahayn ay tahay habka keliya ee suurtogalka ah ee lagu codeyn karo jawiga amniga ee maanta maadaama Al-Shabaab ka taliso dhul ballaaran oo koonfurta dalka ah,” ayay ku dartay warbixinta hay’ada.

Crisis Group ayaa si cad u sheegtay in laga soo gudbay waqtigii la sugi lahaa in siyaasiyiinta Soomaalida ay kaligood go’aan gaaraan maadaama muddo badan la isku fahmi waayey, waxayna tilmaamtay in khilaafkaan u fursad weyn siiyey kooxda Al-Shabaab sidoo kalana uu caqabad ku noqday horumarkii ka socday dalka.

Maamulka Farmaajo oo waqtiga ka dhamaadey 8-dii Febraayo isla markaana doonayo in dib loo doorto ayaa ganafka ku dhuftay hanjabaadaha caalamka kuna adkeystay ku darsiga oo uu ku sifeeyay mid awooda dib loogu celinayo dadweynaha.