Maxaa kasoo kordhay kiiska gabadhii kufsiga iyo dilka loogu geystay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir lasoo taagay 12 eedeysane oo loo heysto kiiska kufsigii & dilkii loo geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo dhawaan la sheegay in laga soo tuuray dabaq ku yaalla dagmada Waaberi iyadoo uu maxkamadda gudoominaayay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan.

Gabadhaan oo ka mid aheyd ardaydii ka qalin jabisay sanadkaan dugsiyada sare ee dalka ayaa kufsi loo geystay sida ay sheegeen xarumaha caafimaadka ee baarista ku sameeyay kiiskeeda.

Eedeysanayaasha maanta maxkamadda la keenay oo gaarayay 12 waxaa ku jiray eedeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo 24-jir ah kuna muqdisho lagana soo qabtay magaalada Cadaado kadib markii uu damcay inuu baxsado.

Shan ka mid ah eedeysanayaasha ayaa la fasaxay kadib markii wax dambi ah lagu waayay, waxaana ka mid ah laba shaqsi oo muuqaal ahaan shabaha eedeysanaha laga soo qabtay magaalada Cadaado, sidoo kale waxaa la fasaxay milkiilaha carwada uu ka shaqeynayay eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan, damiinkii shaqada ka damiintay iyo ninkii shaqada geeyay oo dhamaantood loo soo xiray falkaan kadib markii la waayay eedeysanaha.

Toddoba shaqsi oo uu ku jiro eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan ayaa la amray in baaris dheeri ah lagu sameeyo isla markaana loo celiyo xarunta dambi baarista CID, waxaana ku jira shaqsiyaadka baarista dheeriga ah lagu sameyn doono Milkiilaha Hotel-ka, masuulkii soo dhaweynta Hotel-ka, waardiyaha Hotel-ka iyo dad kale oo siyaabo kale loola xiriirinayo kiiska.

Maxkamadda waxaa ku sugnaa Xildhibaan Xasan Macalin oo golaha shacabka ku matala gabadha loo geystay kufsiga iyo dilka, sidoo kale ehelada marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa ku sugnaa maxkamadda.