Qaar ka mida xawaaladaha Soomaalida oo arrin xasaasi ah lagu eedeeyay (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ogaatay in lacag ka badan 3.7 Malyan oo Doolar ay shirkadaha xawaaladaha Soomaalida u kala gudbiyeen shaqsiyaad ku shaqeysta ganacsi sharci darro ah.

Warbixintaan waxaa sameeyay hay’adda Global Initiative Against Transnational Organised Crime ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxeyna si gaar ah u taabaneysaa qof u dhashay wadanka Yemen oo ay mareykanka saareen cunqabateyn la xiriirta argigixinimo.

Arintaan waxey sare u qaadeysaa walaaca ay wajahayaan shirkadaha xawaaladaha Somalida kuwaas oo shuruudo badan lagu xiro marka ay doonayaan iney lacago u kala xawilaan wadamada dibadda.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in 176 qofood ay u muuqato iney xiriir ganacsi la leeyahiin dadka ka ganacsada hubka sharci darrada ah ee u kala goosha Soomaaliya iyo Yemen, waxaana baarintaanadaan laga sameeyay magaalada Boosaaso.

Warbixinta waxey sheegeysaa in nin lagu magacaabo Sayf ABdulrab Salem Al-Hayeshi oo saddex sano ka hor ay mareykanka cunaqabteyn saareen loo wareejiyay lacag ku dhaw 40 kun oo Doolar, waxaana ninkaan oo dhalashadiisa tahay Yemen lagu eedeeyay inuu taageero dhaqaale siiyo kooxaha Al-Qaacida ee ku nool Jasiiradda Carabta iyo Dowladda Islaamiga ah ee Yemen.

Shirkadaha warbixinta magacooda lagu faafiyay waxey kala yahiin Amal Express iyo Iftin Express kuwaas oo lacag ka qabtay macamiilada, waxey adeegsadeen shabado ay ku lifaaqan yahiin magaciisa iyo naaneystiisa.

Shirkadda Iftin Express gabi ahaanba wey diiday iney ka warbixiso xogta macaamiilkeeda, halka Amal Express ay gabi ahaanba beenisay iney xiriir la leedahay Al-Hayeshi.

Labada shirkadood ee Dahabshiil iyo Taaj ayaan lagu helin wax lifaaq ah oo ku sabsan iney shaqsiyaad cunaqabteyn la saaray wax u wareejiyeen, balse waxaa warbixinta lagu sheegay in shaqsiyaadka ay isticmaaleen magacyo kale taasna ay tahay wax xad gudub ku ah sharciga ka jira Soomaaliya.

Inkastoo Dahabshiil ay sheegtay iney gabi ahaanba joojisay xawilaadii u dhaxeysay dalalka Soomaaliya iyo Yemen, hadana warbixinta waxey sheegeysaa in hal nin uu adeegsaday 24 magac oo isagoo adeegsanaya afarta shirkad, walow shirkadaha ay ku doodeen in macmiilka aan loo ogolaan karin inuu isticmaalo aqoonsiyo taleefoono badan.

“Hay’adaha nidaamiya maaliyadda ee Soomaaliya waa shaqaale hoose oo aan heysan agab dhaqaale, isla markaana aan lagu kalsooneyn hay’adaha maaliyadeed ee gudaha” ayuu yiri C/Raxmaan M. Cabdullaahi oo ah gudoomiyaha Bangiga dhexe kadib markii wax laga weydiiyay hadii ay wax ka ogyahiin arintaan.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya waxey sheegeen iney baaritaan ku sameynayaan isla markaana ay ka hortagayaan maalgalinta waxa loogu yeero argagixisada.

Sidoo kale gudoomiyaha wuxuu sheegay in jabinta sharciga iyo la dagaalanka lacagaha la dhaqo loo xiray shaqsiyaad, wuxuuna tusaale usoo qaatay masuul bishii August loo xiray inuu maamule ka ahaa bangi aan diiwaangashneyn.