Sawirro: Dallada SEFE oo eedeyn culus u jeedisay wasaaradda waxbarashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan ka dhacay Muqdisho isugu yimid hoggaanka sare ee dalladda waxbarashada SEFE iyo maamulayaasha iskuullada hoos taga Dalladdaas.

Qoraal ka soo baxay kulankaas ayaa mar kale lagu shaaciyey in dalladda SEFE iyo iskuullada hoos taga aysan weli ku qanacsaneyn natiijadii imtixaanaadka dowladda, kaas oo ay dhawaan shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Maamulka dalladda SEFE iyo maamulayaasha iskuulada ayaa wasaaradda waxbarashada ku eedeeyay in aysan diyaar u ahayn in ay qanciso ardayda, waalidiinta, macalimiinta iyo dalladdaha waxbarashada ee dalka.

Hoggaanka dallada iyo maamulayaasha iskuullada ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay in la cadeeyay sababta 8-kun oo arday ay ugu dhaceen imtixaanaadka dowladda iyo sababta ay wasaaradda waxbarashada u diiday in dib loo baaro natiijada imtixaanka, maadaama aan lagu wada qancin.

Mas’uuliyiintii isugu yimid kulankaas ayaa cadeeyay in ay go’aansadeen in guddoonka waxbarashada gobolka Banaadir iyo wasaaradda in aysan wax xiriir ah la sameyn doonin, inta ay taallo cabashada ardayda.

Keysi Mayow Abul Xuseen oo ah Agaasimaha fulinta ee dalladda waxbarashada SEFE ayaa war-murtiyeedka ka soo baxay kulankooda warbaahinta u aqriyay, waxuuna sheegay in ay muhiim tahay in dib loogu noqdo natiijada Imtixaanka dowladda ee dhawaan la shaaciyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayey mas’uuliyiintan ka dalbadeen in arrintaan uu soo fara-geliyo, kana hadlo dhibaatada lagu hayo ardayda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku wada sugan Muqdisho ay ugu baaqeen inay si deg-deg ah ugu jawaabaan cabashada ardayda iyo sida loola dhaqmay, isla markaana la sameeyo guddi dib u baara natiijada Imtixaanaadka.