Maxaa kasoo kordhay xaaladda R/W Abiy Axmed?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, xilli maalmihii la soo dhafay baraha bulshada dalkaas la isla dhexmarayay warar ku saabsan xaaladiisa caafimaad.

Bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa lasoo dhigay qoraallo uu ku amaanayo hogaamiyeyaasha maamullada Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa madaxda maamulladaas ku ammaanay tageerada ay u muujiyeen dowladda dhexe ee Itoobiya, waxayna dhawaan xukuumadiisu soo afjartay dagaal ay ku qaaday gobolka Tigray, kaas oo meesha looga saaray maamulkii TPLF ee maamuli jiray gobolkaas.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la waayay warka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, maadaama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada, waxayna bulshada dalkaas muujiyeen tuhunno badan.

Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa baraha bulshada ee Internet-ka maalmihii la soo dhaafay ku faafiyey warar kala duwan oo la xariira xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaare Abiy.

Hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, oo xalay qoraal soo saartay ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya waxay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha.

Warka hanjabaada ah hey’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa sii abuuray hadal heyn hor leh, waxaana ka dhashay weydiimo ah halka uu jiro Abiy Axmed.

Wararka ugu badan ee laga faafiyey Abiy Axmed waxay sheegayeen in dalka dibadiisa loogu qaaday caafimaad, si gaar ah dalka Talyaaniga, balse dowladdu waa beenisay welina sooma bandhigin xaqiiqooyin tuhunka jira looga qanciyo dadka.