Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada oo si lama filaan ah u beddelay mowqifkiisii doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka, oo muddo ku adkeysanayey qabashada doorasho aan heshiis lagu aheyn, ayaa u muuqda inuu beddelay mowqfikiisa, sida ka muuqata qoraal caawa kasoo baxay.

Guddiga, oo ku xiran madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana saddex goor ku fashilmay jadwal doorasho oo uu soo saaray, ayaa qoraalka caawa kasoo baxay ku caddeeyey inuu ka war-sugayo in dhinacyada isku haya doorashada dalka ay marka hore ku heshiiyaan.

“Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiha.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay inay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.”

Guddiga lagu muransan yahay ayaa ugu dambeyn sheegay inuu bogaadinayo dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.

Ma cadda sababta keentay isbeddelka mowqif ee guddiga hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay beesha caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah, iyo maamul goboleedyadii ku xirnaa Villa Somalia ee la rabay inay doorashada billaabaan oo ka cago jiiday.

Khilaafka ugu weyn ee ka taagan doorashada ayaa salka ku haya guddigan, waxayna musharaxiintu ku adkeysanayaan inay ku jiraan xubno laga soo kala xulay NISA iyo shaqaalaha dowaldda, sidoo kale arrinta gobolka Gedo iyo hanaanka doorashada kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi ayaa la isku hayaa.