Xog: Muuse Biixi oo qeyb ka noqday xiisad xooggan oo ka taagan Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay qeyb ka noqday xiisad xoogan oo ka dhex aloosan siyaasiyiin isku haya musharaxnimada doorashada la filayo inay ka qabsoomto Somaliland.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, madaxweyne Biixi ayaa garabka saaray maayarka ay mudada ka dhamaatay ee magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Solteco, halka uu gaashanka u daruuray siyaasiga rug cadaaga ah ee Cabdikariin Axmed Mooge.

Solteco iyo Cabdikariin Mooge ayaa muddooyinkii dambe waxa ka dhex aloosneyd xiisad xoogan oo la xiriirta xilka maayirka Hargeysa oo uu xiligan hayo Solteco, oo raba inuu markale kusoo laabto xilkan uu mudada badan hayay.

Cabdikariin Mooge oo hore wasiir kuxigeen uga soo noqday xukuumadda Axmed Siilaanyo, ayaa dhawaan kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland, wuxuuna Biixi u sheegay in uusan gacan ka geysaneyn xilka uu u tartamayo, sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online.

“Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu u dhaxeeyey sadexda xisbi isaga oo sheegay inuu doonayo maayarka magaalada Hargeysa, wuu u tagay xisbiga Kulmiye oo uu ugu jeclaa inuu ka soo tartamo, wuxuuna hor fariistay Biixi oo u sheegay hankiisa, balse nasiib darro wuu ku gacan seyray,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Caasimada Online.

“Madaxweynuhu wuxuu ku yiri ‘ma jiraan wax aan ku balan-qaadayo’, halkaasna waxa ka dhacay kala kac oo Cabdikariim waxa uu ku yiri ‘madaxweynaha waad ka shaqayn kartaa waanad ka shaqayn doontaa cida noqonaysa’, Cabdikariim ayuu diidaanaa madaxweynaha oo waa la ogyahay inuu saamayn ku leeyahay maayarka soo bixi doona, waxaanu Muuse Biixi ku dedaalayaa in maayarka laga dhigo qofka uu isagu doonayo.”

Muuse Biixi ayaa dadaal badan ku bixinaya in siyaasiyiga qabanaya xilka maayirka caasimada Hargeysa uu noqdo mid uu gacanta ku hayo, iyada oo ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online, in madaxweynaha uu dabada ka riixayo dib u doorashada Solteco.

Mana aha markii u horeysay ee madaxweyne Muuse Biixi uu go’aan dhex-dhexaadnimada ka baxsan ka qaato siyaasiyiinta hirdanka ugu jira doorashooyinka Somaliland, iyada oo ay xusid mudan tahay inuu siyaasiyiin badan ka ceyriyay xisbiga Kulmiye.