Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay Jowhar iyo Swan oo kusii jeeda magaaladaas

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta ku laabtay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaasi, isaga oo ka amba-baxay Muqdisho oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa garoonka Jowhar ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar.

Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho wuxuu kulamo la yeehay madaxda dowladda federaalka & qaar ka mid ah musharraxiinta, iyaga oo ka wada-hadlay doorashada.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in maanta magaalada Jowhar uu ku wajahan yahay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, isaga oo garoonka diyaaradaha magaaladaasi kulan kula yeelan doono madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ku laabtay caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.

Labada mas’uul ayaa ka wada arrinsan-doono xaaladaha ka jira deegaanada maamulka HirShabelle iyo muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Muddooyinkii u dambeeyey Amb. James Swan ayaa waday dadaallo ballaaran oo uu xal ugu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira doorashooyinka dalka, isaga oo kulamo gaar ah la yeeshay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland, Puntland iyo Galmduug.