30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Maxaa ku dhacay waxgaradki G/dhexe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Soomaaliya waxay gashay waji cusub oo nadaam federaaliisam ah. Sida ay hadda wax ku socdaan, wadanka waxaa laga hirgalinayaa dhowr maamul goboleedyo oo hoos taga dowladda dhexe. Haddaba goboladii is raaci kara waa la isku daray waxaana loo sameeyay maamul goboleedyo.

Waxaa hadda lagu howlan yahay maamul u sameynta gobolada dhexe. Haddii taariikhda dib loo eego gobolada dhex waa meel leh taariikh fog oo colaadeed, waa meel ay degan yihiin qabaailo kala duwan door weyna ka soo qaatay xornimodoonkii iyo kacdoono badan.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaa nasiib daro ah dadka gobolada dhexe oo leh aqoonyahano iyo waxgarad badan in ay wali horboodayaan dagaaloogayaashii laga tagay. Dadka gobolada dhexe waxay u baahan yihiin wajiyo cusub oo leh karti iyo aqoon ay dadkooda uga samatabixin karaan colaadaha joogtada ah una horseedi kara horumar iyo dowlad wanaag.

Waxaan ku boorin lahaa waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolada dhexe in ay fadhiga ka kacaan, isa soo sharaxaan oo u istaagaan danaha dadkooda iyo dekaankooda oo aysan dadkooda ku fiirsan kuwa mugdi ku sii wado.

W.Q: Said Hassan
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News