PUNTLAND oo weli FARAHA kula jirta: ‘boqortooyo asalkeeda la isku haysto’

WAXAA xaqiiqo ah in boqortooyada BARI ahayd boqortooyada keli ah, ee kadhisneed dhinaca Puntland, sida taariikhda Soomaaliya, mida qoran iyo mida aan qornayn ay na barayso. Hase yeeshee, BOQORTOOYADAA ay ahayd mid weligeed, taariikh ahaan, la isku haysto, murana ka taagnaa.

Waxaase hada hadalhaynteeda zaa’id ka dhigay xukuumada Dr. Gaas, ee hada ka talisa Puntland, taasoo siyaasad ahaan xulufo, la ah beesha BOQORTOOYADA lagu haysto.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa madaxdii dalka, ee dalka ka talinaysay isticmaarka ka dib ama tii ciidamada, ee dowladii dhexe amaba xukuumadihii soo maray maamul Goboleedka Puntland, ka dib markii ay burburtey dowladii dhexe, ay ka gaabsadeen in ay siyaasadeeyaan BOQORTOOYADAAN, madaama ay BOQORTOOYADU tahay mid la isku haysto, welina lagu heshiin in ay noqoto mid sanadba qolo ay hayso ama dadka isku haysto, intay fariistaan, ku go’aansadaan in qoloba ay samaysato BOQORTOOYO ayaga u gaara, markaasna ay si cadaalad ah dowlada Puntland u aqoonsanto labada laamood, ee ku salaysan nabada, oo ay BOQORTOOYADA BARI u kala baxday.

Sida laga dareemayo cadada dadka bishaan u baqoolay YURUB, gaar ahaan DALKA SWEDEN, kana baxay Minnesota, ee madasha loo yaqaan ‘social network’ ku tabinaaya in ay YURUB joogaan, ayaad arkaysaan in ay yihiin jaaliyada reer Puntland dadka ugu cadcad, kuwaasoo aan sheegin sababta ay la xariirto socdaalkooda, qariayana si aan shabakadaha wararka Soomaaliyeed u ogaan.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay qorayaan, shabakadaha wararka qaarkood, waxaa cad in laga codsaday dadwaynaha reer Puntland, ee reer SWEDEN in ay si wayn u soo dhaweeyaan BOQORKA ka socda Puntland.

Dadka socdaalka galayna, waxaa u badan dad xulufo beeleedka la ah madaxwaynaha xukuumada hada Puntland ka jirta. Marka, waxaa isa soo taraya shakiga wayn oo ay dadka qaar ka qabaan in xukuumada hada Puntland ka jirta faraha kula jirto in ay siyaasadeeso, oday dhaqameedyada iyo xilalkoodi ku salaysnaa in ay noqdaan kuwo u dhexe beelaha wada dega.

Mohamed-BarreWaxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay ‘BULUF’ qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid