Warbixin: Maxaa ku soo kordhay baaritaanka dilka wasiir Siraaji?

Nairobi (Caasimada Online) – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in laba kamid ah Ilaalada Hanti dhowrka Guud loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Labadaani Askari ayaa dilka kadib la geeyay Xarunta Baarista ee ku taala Villa Somlia, waxaana goordhow loo dhaadhiciyay Maxkamada.

Labadaani Askari ayaa laga soo reebay Ciidamo kale oo la socday Hanti dhowrka Guud iyo darawalkiisa oo iyagu dib loo amray in lasii daayo kadib markii kiiska dilka uu kusoo biya shubtay labada Askari ee loo dhaadhiciyay Maxkamada.

Hanti dhowrka Guud, ayaa qudhiisa sheegay in dilka uu fuliyay mid kamid ah labada Askari ee iminka loo gudbiyay Maxkamada.

Maxkamadda Ciidamada ayaa soo fara gelisay kiiska dilka Wasiirka, iyadoo lagu wado in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhacdo maxkamadeynta.

Dhinaca kale, Xukuumada Somalia ayaa sameysay Guddi baaritaan oo si dhow ula shaqeyn doono dhinacyada ku howlan baaritaanka socda.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET