Xog: Maxaa kusoo kordhay baaritaanka lagu hayo kiiska dilka wasiir Siraaji?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraaya xogaha laga helaayo kiiska dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska dowladda Somalia Cabaas Siraaji oo ka dhacay afafka hore ee Villa Somalia.

Xogaha dheeriga ah ee soo baxaaya ayaa sheegaya in Askarta u xiran dilka Wasiirka ee ilaaliyaha u ahaa Hanti dhowrkii xilkiisa waayay ayaa waxaa lagu biiriyay ciidamo kale oo ilaalo u ahaa Wasiirka la dilay.

Afhayeenka Booliiska Qaasim Axmed, ayaa xaqiijiyay in baaritaankii lagu hayay Seddexda Askari ee Hanti dhowraha lagu biiriyay laba Askari kale oo ilaalo u ahaa Wasiirka dhintay.

Qaasim Axmed, waxa uu sheegay in kiiska dilka Wasiirka uu yahay mid isa sii furfuraayo waxa uuna tilmaamay in labada Askari ee Wasiirka looga maarmi waayay kiiska baaritaanka socda, sidaana ay ugu biireen kuwa Hanti dhowrihii dilka geystay.

Qaasim Axmed, oo arrintaani ka hadlaaya ayaa yiri ”Ciidanka Booliska waxa ay xireen askar ilaalo u ahaa Marxuum wasiir Cabbaas Shiraaji, si qeyb ay uga noqdaan baaritaanka”

”Kiiska dilka wuu sii ballaaranayaa waxaana diyaar loo yahay in kiiskaasi la gaarsiiyo halka uu ka bilowday kuna soo dhamaaday”

Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji ayaa xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Geesta kale, waxaa iminka la xaqiijiyay in la helay Askariga saxda ah ee toogtay Wasiirka balse lasii baarayo sababta ka danbeysay dilka iyo waxa ay ilaalada Wasiirka ka ogyihiin dilka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET