Arrin kusoo korartay dacwadda ka dhanka ah badda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rajada ay ka qabaan dacwada dhanka badda ee bisha soo socoto u furmeysa dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya, kadib markii dowlada Soomaaliya ay dacwadaasi gudbisay.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan in Kenya ay kaga guuleystaan dacwada dhanka badda oo dowlada Soomaaliya ay u gudbisay maxkamada caalamiga ee Hegue.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay iney heysato qareeno Wanaagsan oo lagu kalsoon yahay, waxaana qareenada ay u kala dhasheen dalalka Faransiiska Mareykanka iyo UK, balse waxaa hogaan u ah gabar Soomaaliyeed oo sharciga baratay.

“19-ilaa 20-ka Bisha September ayeey dacwada dib u furmaysaa, Somaliya anaga rajo ayaan ka qabnaa inaan ku guuleysano dacwada hortaala ICG, sababtoo ah waxaan haysanaa Qareeno fiican oo u kala dhashay dalalka France, USA iyo UK, gabar Somali ah ayaana madax u ah oo dacwada dhaqaajinaysa.” Ayuu yiri hadliye.

Wasiir Hadliye wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin in badda Soomaaliya iyo dhulkaba  la iska qaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com