Wasiir Ethiopian ah oo ka tirsan DF oo ku lug leh arrimo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya warar ku aadan Heshiisyadii uu dhawaan Madxaweynaha Somalia, Xassan Sheekh magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia kula galay maamulka Soomaalida iyo dowlada Ethiopia.

Heshiisyadaasi ayaa waxaa kaalin miisaan leh ka qaatay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Federaalka ah Somalia Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) oo xiriir fog la leh dowlada Ethiopia isla markaana heysta dhalashada Ethiopia.

Wasiir Geelle, ayaa lahaa fekerka uu Xassan Sheekh ku booqday magaalada Jigjiga iyadoo dantii laga lahaa ay aheyd in Xassan Sheekh dhicitaankiisa ka hor laga saxiixo arrimo dhowr ah isla markaana cagsi ku ah Siyaasada ay tiigsaneyso dowlada qunyar socodka ah ee Somalia.

Geelle ayaa Xassan Sheekh Bishii June ee sanadkaani ka dhaadhiciyay in booqasho taariikh ah uu ku gaaro magaalada Jigjiga, waxaana fekerka Geelle diiday Madaxweyne Xassan oo markii danbe ay dowlada Ethiopia ku cadaadisay inuu booqdo Jigjiga si ay halkaasi isugu arkaan.

Geelle, oo kamid ah shaqsiyaadka dowlada Ethiopia ugu jira dowlada Somalia, ayaa kaalin aan qarsoodi laheyn ka qaatay diyaarinta qodobada qarsoodiga ahaa ee laga saxiixay Madaxweyne Xassan mudadii uu booqashada ku joogay magaalada Jigjiga.

Wasiirkaani wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee lagu magacaabo Geelle, ayaa markiisa hore waxaa xilkaasi usoo dhameeyay Gen.

Gebra waxa uuna ahaa gacanyarihiisa gaarka ah, iyadoo ujeedka laga lahaa kusoo biiritaankiisa Xukuumada Somalia ay aheyd inuu ka dhex shaqeeyo dowlada Somalia iyo Ethiopia.

Hagardaamada Wasiir Geelle ayaa sahashay in dowlada Ethiopia ay si fudud dalka Somalia uga gaarto danaheeda gaarka ah, waxaana Geelle xilkaasi loo magacaabay April 25, 2016, isagoo mudadaasi kooban ku hirgaliyay danaha dowlada Ethiopia.

Sidoo kale, Wasiirkaani ka tirsan DFS ee Ethiopian-ka ah ayaa kulankii ka dhacay Jigjiga ku lahaa laba qodob oo kala ah in DFS ay ka gaabiso xiriirka kala dhexeeya Turkiga iyo in Ethiopia ay dardar galiso saraqaadka awooda ciidamada Milliteriga Somalia.

Geesta kale, xubno ka tirsan dowlada Somalia ayaa horay uga digay in Xukuumada Somalia lagu soo biiriyo Geelle oo wakhti danbe ay soo ifbaxday dhagarta uu Qaranka qunyar socodka ah u maleegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com