Feysal Cali Warabe oo arrin yaab leh ku sifeeyey Cabdi Weli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Natiijadii kasoo baxday Shirka Madasha Qaran ee dhawaan kusoo xirmay Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in dowlada Somalia ay xaqirto tirada yar Siyaasiyiinta Somaliland ee ka tirsan dowlada Somalia, waxa uuna carab dhabay in taasi ay qeyb ka tahay xushmad darida dowlada Somalia.

Feysal waxa uu sheegay in wax laga yax yaxo uu u arkaan in Soomaaliland beelaha deggan lagu qiimeyn waayo wixii ay xaqa ulahaayeen, waxa uuna carab dhabay in Puntland oo aad u yar ay hesho tirro ka badan tan lasiiyay Somaliland.

Feysal ayaa cadeeyay in Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu sabab u ahaa tirada laga dhimay Somaliland waxa uuna cod dheer ku sheegay in C/wali Gaas uu beel ahaan kasoo jeedo beelaha ugu yar yar Puntland marka loo eego beelaha kale ee kasoo jeeda dhulka Puntland hadana xaqii uu lahaa mid kabadan ay DFS siisay.

Cadaalada ka jirta Somalia ayuu sheegay inay tahay mid aad u hooseysa, balse Somaliland ay tahay mid ka tashatay dalka Somalia.

Sidoo kale, Feysal Cali waxa uu ku taliyay in hadii ay dowlada Somalia dooneyso in Somalia iyo Soomaaliland wax dhexmaraan loo baahan yahay in Cadaalad wax lagu saleeyo kadibna sideedii Gobol Beelaha wax loogu qeybiyo ee Awal Soomaaliya ka jirtay.

Haddalka Feysal Cali Waraabe ayaa imaanaya iyadoo dhawaan DFS ay tirro kordhin aqalka sare ah u sameysay maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com