Reer waqooyiga Xamar jooga oo Xasan Sheekh ka dacwoodey..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo siyaasiyiinta ku beesha ah ee reer Somaliland ayaa ashtako ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay madaxweynaha goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan, iyaga oo saluugsan qaabka shirkii madasha wax loogu qaybiyay.

Xubnaha ayaa ka carreysiiyey tallaabadii Xasan Sheekh uu xubnihii aqalka sare ee reer Woqooyiga qaar ka mid ah ugu gacan geliyey Cabdi Weli Gaas.

Siyaasiyiinta reer waqooyiga waxay ka dalbadeen Shariif Xasan in uu abaabulo shir kale oo xaqa reer waqooyiga lagu so celinayo, iyagana  ay si buuxda u taageerayan qorshaha iyo siyaasadda Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u sheegay inaysan jirin shir kale oo madasha ay yeelanayso, loona jiheystay doorasho iyo soo xulista xubnaha labada aqal ee soo dooran doona madaxweynaha, waxana sidoo kale ay siyaasiyiinta reer waqooyiga dacwad ka dhan ah Puntland iyo Madaxda ugu sareysa dowladda u gudbiyeen beesha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com