Xog: Maxay Somaliland u joojisay bandhiggii NASTEEXO INDHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa is hortaagay Bandhig Faneed ay Magaalada Hargeysa, ee xarunta maamulka Somaliland ku Qabanaysay Fanaanada Nasteexo Indho oo kamid ah Fannaaniinta ugu magaca dheer gayiga Somalia.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta maamulka Somaliland Khaliil Cabdullahi Axmed oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasaaradu ay is hirtaag ku sameysay Bandhig faneedkaasi waxa uuna sabab uga dhigay in Fannaanada Nasteexo Indho ay sameyso Bandhig faneedyo kasoo horjeeda anshaxa suuban.

Wasiir Khaliil Cabdullahi Axmed, ayaa sheegay in Culimaa’u diinka Somaliland ay Wasaarada usoo gudbiyeen cabasho ka dhan ah Fannaanada Nasteexo Indho iyaga oo daliilsanaaya Aflaam ay horay u jishay Fannaanada.

Khaliil Cabdullahi Axmed, waxa uu sheegay in Fannaanada Nasteexo Indho ay sameyso Filimo aan sal iyo baar ku laheyn diinta suuban iyo Anshaxa, waxa uuna sidoo kale tilmaamay in sharciga Somaliland uu qilaafaayo Bandhigyada ceynkaasi ah.

Khaliil Cabdullahi Axmed waxa uu intaa ku daray iyaga oo tixraacaaya Muuqaalo ay cadeyn ah oo laga soo duubay Fannaanada Nasteexo Indho ay Culimada ka aqbaleen hakinta Bandhigaasi.

Wasiir Khaliil Cabdullahi Axmed waxa uu cod dheer ku sheegay in Wasaaradu ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay ilaaliso dhaqanka sidaa darteedna ay u hakiyeen Bandhigaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii Culimada Puntland ay is hortaagen Bandhig Faneed ay Fannaanada Nasteexo Indho ku qaban laheyd deegaanada maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com