Maxaa soo celiyey Guuleed?: Ku-xigeenkiisa oo qabyaaladi qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimadda Online ayaa heshey xaqiiqda iyo sirta ka dambeysa sababta dalka loo keenay madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyo hadalkiisi ahaa inaanu ku qanacsanayn qaar ka mid ah go’aanadii shirkii madasha ee uu fadhiyay ku xigeenkiisii oo matalayay.

Kooxda Damuljadiid ayaa aad uga carootey go’aankii beeleysnaa ee ku-xigeenka madaxweynaha Galmudug uu kula saftay Puntland iyo Jubaland, taasi oo keentey inay dalka keenaan madaxweynaha Galmudug si looga hortago qorshaha Gaas iyo Madoobe.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey oo ahayd inuu raaco siyaasadda Galmudug iyo tan madaxweynihiisa ayaa dhabarka ka toogtay Guuleeed, isaga oo la saftay Axmed Madoobe iyo Gaas oo qaatay go’aano beel ahaan dan u wada ah.

Guuleed ayaa markii uu yimid dalka dhaliilay go’aanadii shirka, isaga oo ku canaantay kusimihiisii inaanu kala tashan go’aankii uu iskiis u gaaray.

Guuleed ayaa markale xaaladdiisa laga deyrinaya isaga oo maanta kusoo wajahan Uganda oo uu ku nasan doono dhaqaatiir daryeeshana loogu diyaariyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com