Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in duqeymo iyo Dagaal culus uu ka dhacay Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Dagaalka ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayen Ciidamo Ajnabi ah, halka Duqeymahana ay fulinayeen diyaarado dagaal oo loo maleynaayo in laga leeyahay dalka Mareykanka.
Diyaaradaha duqeynta fulinaayay ayaa la sheegay inay bartilmaameed ka dhigteen Saldhigyo ay leeyihiin maleeshiyaadka Daacishta Somalia.
Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada taabacsan Daacish. Waxaana goobtaasi ay 21km u jirtaa deegaanka Af-Bashaashin oo uu ka dhacay iska horimaadkii maalintii Sabtida dhacay.
Ciidamada Puntland ayaa weli si gaabis ah ugu sii siqaya magaalada Qandala oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Daacish.
Maleeshiyaadka Daacish ayaa isku sii faafiyay magaalada Qandala waxaana la sheegayaa inay ka barbar dagaalamayaan Dagaalyahaano Ajnabi ah.
Maleeshiyada Daacish ayaa qabsatay magaalada Qandala bishii October 26-keedii iyadoo aan wax iska horimaad ah ka dhicin.
Puntland ayaa dhinaceeda wacad ku martay inay magaalada dib u qabsato.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

