Arrin ku cusub heshiiska Somaliland iyo shirkada DP World ee Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in maanta ay Dekadda Magaalada Berbera ku wareejiso shirkada DP-world ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxda Maamulka ayaa gaaraya magaalada Berbera si maamulka shirkada iyo kan deegaanka u wada koontaroolan Dekadda isla markaana ay u dhacdo xil wareejinta.

Dekadda magaalada Berbera ayaa waxaa wareejin doona Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana goobjoog ka noqon doona mas’uuliyiin ka socda dalka Imaaraadka carabta.

Shirkadda DP-world oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa dhowr sano loo saxiixay inay maamusho Dekadda Berbera, waxa uuna heshiisku yahay in shirkadu ay dayactir ku sameyso Dekadda.

Shirkadda DP-world, ayaa sidoo kale la wareegtay Shaqaalaha ka howlgala Dekadda, waxaana jiri doonta qaadashada shaqaale dheeri ah.

Geesta kale, dayactirka Dekadda magaalada Berbera ayaa qaadan doonta muddo ku dhan 24 bil.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET